Lesotho oo noqotay dalkii ugu dambeeyay Afrika ee uu gaaro feyraska Korona

0
274

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Wasaaradda Caafimaadka dalka boqortooyada Lesotho ee dhaca koofurta Afrika ayaa shaacisay in ay diiwaan gelisay bukaankii ugu horreeyay ee laga helay xanuunka COVID-19.

Qoraal ay wasaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in bukaanka laga helay xanuunka aanay ka muuqanin wax astaamo ah oo muujinaya in uu qabo xanuunka isla markaana ay wasaaraddu geeysay xarun gaar ah oo lagu karantiilo inta xaaladdiisu dhan u dhacayso.

Lesotho oo dadkeeda lagu qiyaaso kaliya laba milyan oo qof ayaa ahayd dalka kaliya ee Afrika ku yaalla ee aanu xanuunku gaarin.

Warbixintii ugu dambaysay ee ay soo saarto xarunta Afrika ee la socodka iyo la dagaallanka xanuunnada ayaa sheegtay in dadka ku nool qaaradda Afrika ee qaba xanuunka COVID-19 ay tiradoodu gaartay 69.500 oo qof oo 2400 oo ka mid ah dadkaasi ay u geeriyoodeen xanuunka.

Sida ay ku warrantay Worldometer oo tirakoob ku samaysa faafitaanka xanuunka ayaa sheegtay in tirada dadka qaba xanuunka ee ku nool dacallada dunida ay ka badanyihiin 4 milyan oo qof halka 294.000 oo kalena ay u geeriyoodeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here