Rw Kheyre oo shir-guddoomiyay kulan looga hadlayey fatahaadaha dalka

0
347

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaalya Xasan Cali Kheyre oo shir-guddommiyay kulan gaar ah oo laga yeeshay xal u helidda fatahaadaha ka taagan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Kheyre ayaa ku baaqay in loo helo xal deg deg ah, maadaama ay musiibadu weli sii socoto.

Shirka waxaa qeyb ka ahaa waddamada deeq-bixiyeyaasha iyo dalal kale, sida Mareykanka, Sweden, UK, Jarmalka, Masar, Turkiga, Norway, Talyaaniga, , Amisom, EU iyo Baniga Adduunka.

Maxamed Cabdi Waare Hoggaamiyaha HirShabeelle oo shrika qayb ka ahaa ayaa laga dhageystay warbixin ku aaddan sida ay hadda xaaladdu tahay iyo talooyin ku aaddan in xal loo helo fatahaadda.

RW Kheyre ayaa muujiyay dhibaatada uu hadda dalka ku jiro oo ay ka mid tahay COVID-19 iyo fatahaadaha soo laa laabtay ee sababay dhibaatooyin bani-aadamnimo ay u baahanyihiin in loo helo xal deg deg ah.

Kheyre ayaa nasiib darro ku tilmaamay in sanad kasta dadka Soomaaliyeed ay wajahaan dhibaatooyin lasii ogyahay, waxuuna ka qaybgalayaasha shirka u sheegay in taageerada saaxiibada caalamku siiyaan Soomaaliya aan laga gaareyn ujeedadii horumarineed ee laga lahaa inta daadaka iyo maamulka biyaha xal waara loo helayo.

Inta uu socday kulanka ayaa leysla gartay in loo gurmado dadka ka barakacay fatahaadda Webiga Shabelle ee Baladweyne iyo Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here