Haweeneyda ugu da’da weyn Isbeyn oo ka bogsootay COVID-19

0
247

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Haweeney 113 sano jir ah oo ku nool gobolka Girona ee Waqooyi-bari dalka Isbeyn ayaa ka soo kabatay Cudurka COVID 19, kaddib markii dhawaan laga helay.

Maria Branyas, oo ah qofka ugu da’da weyn dalka Isbeyn, ayuu Cudurku hayey Muddo dhowr toddobaad ah oo ay la dhibaatooneysay.

Wasaaradda Caafimaadka dalka Isbeyn ayaa sheegtay in Maria ay tahay qofka ugu da’da weyn dalkaasi, islamarkaana lagu tilmaamay war farxad leh in cudurka ay ka bogsooto.

Dalka Isbeyn, Korona ayaa haleelay 269,520 qof, waxaa u dhintay 26,920, waxaa sidoo kale ka bogsaday 180,470.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here