Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kororka Coronavirus oo Maanta Laga Diiwaan Geliyey Kiisaskii Ugu Badnaa

0
279

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 81 xaaladood oo COVID-19 ah, taas oo ka dhigeysa tiradii ugu badneyd ee maalin qura dalka laga helo. 5 ruux ayaa ka boqsootay, mana jiro bukaan u geeriyooday.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 44 Jubaland 24 Puntiland 6 Somaliland 5 iyo Hirshabeelle 2.

Warkan waxaa inoo haya Cabdiraxmaan Yusuf Xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here