Maamulka Degmada Baydhabo Oo Dib udayactir ku bilaabay Mid kamid ah Waddooyinka Waaweyn ee Magaalada Baydhabo.

0
269

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Maamulka degmada baydhaba iyo Maamulka Gobalka Baay oo ay kaashanayaan iskaashatada gaadiidka degmada baydhaba ayaa waxaa ay bilaabeen dayactirka mid kamid ah wadooyinka halbowlaha u ah magaalada Baydhaba.

Gudoomiyaha degmada baydhaba ahna duqa magaalada mudane xasan macalin axmed biikole ayaa sheegey in ay muhiim tahay in dayactir xoogan lagu sameeyo wadooyinka waaweyn ee magaalada baydhaba.

Waxaa uu bulshada ku nool magaalada baydhaba ee xarunta gobalka Baay uga baaqeen in ay sameyaan isku tashi ku aadan sidii ay dib udhis uga sameyn lahaayeen magaalada.

Gudoomiyaha gobalka baay Cali Wardheere Cabdiraxmaan Dooyow ayaa dhankiisa ka Hadley muhiimada ay leedahay dayactirka wadooyinka waa weyn.

Wadadan oo manta maamulka degmada baydhaba iyo iskaashadtada gaadiidka ay deyactirka ku sameeyaan ayaa aheyd mid gaadidleyda magaalada baydhabo ay dhib ku qabeen burburkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here