Xiddiga Lala Xidhiidhinayo Arsenal Ee Thomas Partey Oo Loo Soo Bandhigay Koox Weyn Oo Premier League Ah.

0
349

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Thomas Partey ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay kooxda Liverpool sida ay sheegayaan wararku.

Inkasta oo uu xiddig muhiim ah ka yahay Atletico Madrid hadana Partey ayaa kaliya 44 milyan oo euro lagu bur-burin karaa heshiiskiisa.

Xilli Arsenal si weyn loola xidhiidhinayo xiddiga reer Ghana hadana wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Liverpool Gunners ku cidhiidhin karto saxiixa xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in ay Atletico Madrid doonayso in ay Liverpool Partey kaga badalato xiddiga Alex Oxlade-Chamberlain.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa si joogto ah ugu ciyaara kooxda taas oo keeni karta in uu Klopp si deg-deg ah u diido dalabka Atletico Madrid.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa wali 3 sano oo heshiiskiisa uga hadhsanyahay waxana uu door mihiim ah ka qaataa qaab ciyaareedka tababare Klopp.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here