WHO oo ka digtay in kumannaan Afrikaan ah ay u geeriyoodaan feyraska Korona

0
296

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digtay in ku dhawaad 190.000 oo qof oo Afrikaan ay sanad gudihiis u geeriyoodaan feyraska Korona haddii aan si taxaddar leh loo xakamaynin xanuunka

Hay’adda ayaa sheegtay in ay saadaalinayso in xanuunku uu noqon karo mid ku laba lixaadsada deegaannada ay colaaduhu ka jiraan ee qaaradda.

Qoraaal ay soo saartay hay’adda ayaa lagu sheegay in dad ay tiradoodu u dhexeyso 29-44 milyan oo qof oo Afrikaan ah ay halis ugu jiraan in uu ku dhaco xanuunka Korona haddii lagu hungoobi meel marinta tallaabooyinka lagu xakamaynayo xanuunka.

Sidoo kale qoraal ayaa lagu sheegay in dad lagu qiyaasay 83.000 ilaa 190.000 oo qof ay suuragal tahay in uu noloshooda galaafto xanuunkani.

Hay’adda ayaa tilmaantay haddii aysan xukuumaduhu jeexanin dhabbe ay ku wajahayaan xanuunkan in ay qaadan doonto in dagaal muddo dheer ah ay la galaan xanuunka dad badanina ay ku madhaan.

Waxa kale oo ay hay’addu tilmaantay in inta goor goor tahay ay gudboontahay in xil la iska saaro baadhitaannada caafimaad ee xanuunkan, daweynta iyo la tacaalidda kuwa laga helo iyo xoojinta dhaqdhaqaaqyada karantiilka.

Tira-koobyadii ugu dambeeyay ee xanuunka COVID-19 ee qaaradda Afrika ayaa tilmaamaya in dadka qaba xanuunka eek u nool qaaradda ay tiradooda kor u dhaaftay 50.000 oo qof halka dadka u geeriyooday ay tiradooda ka badantahay 2,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here