Man United Oo Dib U Dhigaysa Saxiixa Jadon Sancho.

0
262

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay dib u dhigayso la soo saxiixashada xiddiga garabka uga ciyaara Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ilaa xagaaga 2021.

Xiddiga reer England ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkan waxana si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Man United.

Inkasta oo ay kooxo 20 jirkan ka dhigateen bartilmaameed hadana Sancho ayaa la sheegayaa in uu doorbidayo in uu ku biiro kooxda Man United suuqa xagaaga.

Laakiin wargayska Mirror ayaa sheegaya in sabab la xidhiidha Coronavirus ay kooxda Man United dib u dhigayso qorshaha la soo saxiixashada xiddiga muddo sanad ah.

Dortmund ayaa la sheegayaa in ay doonayso lacag dhan 100 milyan oo euro waana lacag ayna Man United haatan bixin karin sabab la xidhiidha dhawaca uu Coronaviru u gaystay dhaqaalaha kooxda.

Advertisements

Wararka ayaa sheegaya in ayna kooxda Borussia Dortmund hoos u dhigayn qiimaha ay ku iibinayso xiddiga wax walba oo dhaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here