Aubameyang Oo Go’aankii ugu Dambeeyay Ka Gaaray Mustaqbalkiisa Koxda Arsenal.

0
274

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wararka ayaa xiddiga in uu xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ugu dambayn go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa Kooxda Arsenal kadib markii si weyn loo hadal hayay mustaqbalkiisa wakhtigii ugu dambeeyay.

Heshiiska Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka 2021 kooxda Arsenal ayaana isku dayday in ay heshiis ka saxiixato xiddiga laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay heshiis la gaadhaan.

Shabakada Bleacher Report ayaa sheegaysa in uu Pierre-Emerick Aubameyang ugu dambayn go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa kooxda Arsenal.

Shabakada ayaa sheegaysa in uu Pierre-Emerick Aubameyang go’aansaday in uu isaga tago kooxda Arsenal waliba raadsado tartan cusub xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ilaa haatan lama oga kooxda ama horyaalka uu doonayo in uu ka ciyaaro waxana jira kooxo badan oo lala xidhiidhinayo xiddiga sida chelsea, Barcelona, Inter Milan iyo Real Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here