Trump oo qorsheynaya in uu kala diro Guddiga dalkaas u qaabilsan Covid-19

0
263

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa qorsheynaya inuu todobaadyo gudahood uu ku soo afjaro shaqada Guddiga qaabilsan arrimaha Korona feyras, iyadoo dalkaasi uu weli faro ba’an ku hayo xanuunka Covid-19.

Aqalka Cad ayaa wajahaya cadaadis ku aaddan doorashada sanadkaan dalkaasi ka dhici doonta iyo dhaqaalaha dhulka galay.

24 kii saacadood ee la soo dhaafay in kabadan laba-kun iyo saddex boqol oo qof ayaa Mareykanka ugu dhintay Covid-19.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilli uu booqday warshad Arizona ku taalla oo lagu sameeyo marada afka lagu xirto loogana gaashaanto feyraska waxa uu yiri “dalkeena dib ayaan u soo celinaynaa” Saraakisha Caafimaadka Mareykanka ayaa ka digay in fayraska uu sii faafo iyadoo dalkaasi laga bilaabay in ganacsiyada qaar dib loo furo.

Trump ayaa weriyeyaasha u sheegay in Guddiga la dagaalanka Korona iyo madaxweyne ku xigeenka Mike Pence ay shaqo wanaagsan qabteen, balse ay haataan tahay in isbedal lagu sameeyo iyadoo markaan laga duulayo badqabka iyo dib u furidda ganacsiyada dalka.

Qeybaha Caafimaadka ayaa Madaweynaha ku eedeeyay inuu ku qamaarayo caafimaadka dad-weynaha Mareykanka isagoo aad u daneynaya dib u furidda dhaqaalaha Mareykanka, waxaana bisha Nofeembar lagu wadaa in ay dalkaasi ka dhacdo doorashada Madaxtinimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here