Naafada Baydhabo oo Codsaday in laga bixiyo kirada iskuulka ay hada wax ku baranayaan.

0
386

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dunida horumartay, way fududahay in qofka uu nolol maalmeedkiisa wato isaga oo naafo ah, waayo waxaa jira qalab iyo tasiilaad loogu tala galay oo nolosha u fududeyna.

Si taa ka gedisan, Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha dadka naafada ah ay kala kulmaan caqabado aad u tira badan sida in tasiilaadkii wax lagu baran lahaa ama lagu shaqeyn lahaa oo aanan jirin.

Magaalada Baydhabo waxaa ku yaalla laba dugsi keliya oo loogu tala galay in ay wax ku bartaan dadka naafada ah waxaana ay heysan adeegyada waxbarashada oo dhameystiran

Dugsigaasi oo la yiraahdo iskuulka naafada baydhabo waxaa dhigta arday gaaraysa 100 oo isugu jira gabdho iyo wiilal oo ay da’doodu isugu jiraan dad waaweyn iyo carruur yar.

Warbixintan waxaa inoo haya Cabdiraxmaan Yusuf Xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here