Dadka Ingiriiska ugu geeriyooday COVID 19 oo kor u dhaafay 32,000

0
266

Baydhabo(Radio Arlaadi)-In ka badan 32,000 oo qof ayaa dalka Ingiriiska lagu soo warramayaa in ay u dhinteen COVID-19, waana tiradii ugu badneyd ee Yurub laga diiwaangeliyo, sida lagu xusay warbixin la daabacay maanta oo Talaado ah.

Xafiiska Tirakoobka Qaranka ee UK ayaa diiwaangeliyay 29,648 bishii April 24-keeda Wales ayaana ku jirtay tiradaas.

Marka lagu daro Scotland iyo waqooyiga Ireland ayaa wadarta guud ee UK ka dhigeysa 32,313 qof, warbixinta ayaa sheegtay in ay tahay dhimashadi ugu badneyd oo laga diiwaangeliyo dal Yurub ah.

Talyaaniga ayaa warbixintan ka hor ahaa dalka ugu dhimashada badan ee qaaradda Yurub oo ay ku dhimatay 29,079 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here