Wafdi u kuur galaya fatahaadda Wabiga sheelle oo gaaray Magaalada Baladweyne

0
318

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wafdi heer Wasiir ah oo u kuurgalaya fatahaadda laga cabsi qabo in uu Wabiga Shabeelle ka geysto Baladweyne ayaa goor dhow ka degay garoonka Ugaas Khaliif ee Baladweyne.

Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka ayaa Baladweyne u tagay si ay kormeer buuxa ugu soo sameyn lahaayeen meelaha laga cabsi qabo in uu wabigu ka fataho iyo saameynta ka dhalan karta.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan Baladweyne ayaa garoonka ku soo dhoweeyay Wafdiga , waxa ayna saacadaha soo socda soo indha-indheynayaan meelaha cabsida laga qabo ee ku dhow Baladweyne.

Roobabka Gu’ga ayaa inta badan ka da’aya deegaanada Hirshabeelle iyadoo webiguna uu keenay biyo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here