Alexandre Lacazette Oo ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya In Uu Isaga Tagayo Arsenal.

0
298

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal eee Alexandre Lacazette Iyo Wakiilkiisa ayaa ugu dambayn ka hadlay wararka maalmihii ugu dambeeyay xiddiga la xidhiidhinayay in uu isaga tagayo Gunners kuna biirayo Atletico Madrid.

Mustaqbalka Alexandre Lacazette ee Arsenal ayuu shaki weyn ku jiraa marka loo eego in uuna taageero weyn ka haysan tababaraha kooxda ee Mikel Arteta.

Kooxda Atletico Madrid ayaa lala xidhiidhinayay saxiixa Alexandre Lacazette kuwaas oo saxiixa xiddiga doonaya suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wararka ayaa xitaa sheegay in uu Alexandre Lacazette la hadlay xiddiga Atletico Madrid ee Koke iyo xiddigii hore ee Atletico Madrid isku xulkana yihiin ee Griezmann si uu wax uga ogaado kooxda Atletico Madrid.

Warkaas ayaa sheegay in uu cadayn u yahay in uu Alexandre Lacazette doonayo in uu ku biiro Atletico Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Advertisements

Mid ka mid ah Boggaga ka hadla wararka Atletico Madrid ayaa Warka ku soo qoray Bogiisa Twiiter-ka laakiin wakiilka Alexandre Lacazette Ayaa ugu jawaabay”Ma Fiicna in been loo sheego taageerayaasha Atletico Madrid”

Alexandre Lacazette oo dhankiisa ka hadlaya ayaa sii raaciyay”Run ahaantii ma fiicna gabi ahaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here