Barcelona Oo 9 Xiddig U Soo Bandhigtay Premier League

0
388

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay 9 Xiddig oo kooxdeeda ah u soo bandhigtay kooxaha premier League xilli ay kooxda hogaaminaysa horyaalka La Liga la macaamilayaan dhaqaale xumada uu kooxda ku keenay Coronavirus.

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Jordi Cardoner ayaa haatanba sheegay in ay kooxda Barcelona samayn doonto saxiixyo is dhaafsi ah laakiin aanay lacag badan suuqa galin doonin.

Wargayska Daily Star ayaa sheegaya in ay Barcelona kooxaha premier League u soo bandhigtay 9 xiddig oo uu hogaaminayo xiddiga Antoine Griezmann.

Antoine Griezmann ayaa horay loola xidhiidhinayay kooxda Man United waxana ay Barcelona doonaysaa saxiixa xiddiga Inter Milan ee Lautaro Martinez.

Wararka ayaa sheegaya in ay Barcelona Premier League u soo bandhigtay xiddigaha Luis Suarez, Ousmane Dembele, Ivan Rakitic, Arturo Vidal, Samuel Umtiti, Nelson Semedo, Sergi Roberto Iyo Waliba Philippe Coutinho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here