Maalinta Shaqaalaha Aduunka Oo Maanta Ku Beegan iyo Madaxda Dalka oo Dhambaal Hambalyo ah u direen Shaqaalaha Soomaaliyeed

0
560

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Sanad walba maanta oo kale (1-da May) waxaa dunida laga xusaa maalinta shaqaalaha aduunka, iyadoo ay dhacaan munaasabado aad u waaweyn oo lagu maamuusayo shaqaalaha aduunka balse Sanadkaan ayaa ka duban kii hore.

Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha sida weyn looga xusaayay maalintan, iyadoo ay Gobalada dalka ka dhici jireen Munaasabado loogu dabaal dego maalintan balse hada aysan jirin Cudurka Corona virus dartiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa manta dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska munaasabadda 1-da May, ee maalinta shaqaalaha aduunka aawadeed u diray shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyaga iyo qoysaskooda.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Abdiasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen yaa 1-da Bisha May maanta oo ku beeggan tahay maallinta caalamiga ah ee shaqaalaha Adduunka wuxuu hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha iyo Muruq Maalatada Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka lagu tiriyo iney ka jirto shaqo la’aan baahsan iyo sidoo kale ay ka dhacaan xadgudubyo fara badan oo ka dhan ah shaqaalaha. Dhallinyaro badan oo dalka ku sugan ayaa ka cabanaya shaqo la’aan muddo haysay, iyadoo weli aanu dalka ka jirin shaqo abuur badan

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa ayaa isagoo ku hadlaya Magaca Dowlada Soomaaliyeed shaqaalaha Soomaaliyeed uga hambalyeeyay maalinta shaqaalaha adduunka 1-da bisha May.

Halkan Hoose ka Dhageyso:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here