Liiska 10ka Waddan Ee Ciyaartoyga Ugu Badan Dunida Ku Caawiyey Oo La Shaaciyey.

0
353

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Waddamada ciyaartoyga ugu badan dunida ku caawiyey, waxa la isku raacsan yahay in intooda badan ay yihiin kuwa Latin America, gaar ahaan Brazil oo lagu tilmaamo in lacagaha ugu badan ee sannadkii usoo xerooda ay ciyaartoygeedu kaalinta afraad kaga jiraan.

Argentine ayaa sidaas oo kale leh ciyaartooyo badan oo caan ka ah adduunka, balse waxa jira dalal Yurub ah oo iyaguna adduunka ku caawiyey laacibiin tiro badan oo aan horyaalkooda oo kaliya ka ciyaarin ee dibedda uga baxay dalalkooda.

Waddanka Brazil ayaa kaalinta koowaad ka galay dalalka dunida u diray ciyaartoyda ugu badan, laakiin waddanka Argentine ayaa kaalinta labaad laga tuuray, waxaana soo cidhiidhsaday Faransiiska oo noqday waddanka labaad ee ciyaartoyga ugu badan ay uga ciyaaraan dalalka dibedda, iyadoo Argentine ay saddexaad u dhacday.

Ingiriiska ayaa si lama filaan ah u noqday dalka afraad ee ciyaartoyga ugu badan ay bannaanka uga dheelaan, waxaanu ka sare maray Spain oo shanaad gashay.

Brazil oo xiddigaha ugu badan ku leh adduunka ayaa waxa ka jooga dalalka kala duwan ee caalamka 1600 ciyaartoy oo kasoo safray dalkaas si ay uga ciyaaraan qaaradaha kala duwan, waxaanay ciyaartoygeedu ka dheelaan inta badan horyaallada lacagta leh ee dunida, iyadoo qaarkoodna ay soo gaadhaan qaaradda Yurub.

Neymar, Vinicus Junior, Gabriel Jesus, David Luiz, Casemiro, Firmino, Willian iyo Coutinho ayaa xiddigaha ugu magaca weyn ee dalkaas kasoo jeeda ee Yurub jooga ugu horreeya laakiin kooxaha Premier League, Ligue 1, Serie A, LaLiga iyo Bundesliga intaba waxay ku leeyihiin xiddigaha ugu badan ee ajaanibka ah.

Faransiiska oo kaalinta labaad ku jira ayaa dunida siiyey 1027 ciyaartoy oo bannaanka dalkaas ka ciyaara, waxaana ragga sumcadda weyn ee kubaddu u shidan tahay ka mid ah Antoine Greizmann, Karim Benzema, Olivier Giroud, Hugo Lloris, N’Golo Kante iyo kuwo kale oo badan.

Xogtan oo la ururiyey sannadkii 2019, halkan hoose kaga bogo 10-ka waddan ee ugu sarreeya:

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here