Dhalinyarada Shaqa La,aanta ah ee ku jira Xeriyaha Barakacyaasha Magaalada Baydhabo oo Codsaday in loo Sameeyo Shaqa Abuur.

0
351

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Xuseen Aadan waa 19 sano jir iyo Bishaar Cabdiqaadir oo 20 sano jir ah waxay hada barkac ku yihiin kaamamka ku yalaan Magaalada Baydhabo gaar ahaan kuwa ku yaala dugaandug, waxey sanado ka hor ay ka soo barakaceen deegaano ka tirsan Gobalka Baay ee koonfur galbeed.

Waxaa ay ku nool yihiin nolal adag iyagoo horey usoo helin fursado waxbarasho madaama ay ka soo jedaan dad danyar ah nolashooda inta badan waxey ku soo qateen miiga iyo in ay reerkooda ka cawiyaan beeraha iyo dhaqashada xoolaha.

Xuseen Aadan iyo Bishaar Cabdiqaadir oo lahadleen Radio Arlaadi ayaa waxey shegeen in ay u baahan yihiin in loo abuuro shaqo ay ku mareyn karaan nolashooda.

Warbixintan Waxaa inoo haya Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here