Dowladda Soomaaliya Oo Bandow Habeenkii Ah Ku Soo Rogtay Magaalada Muqdisho

0
365

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Janaraal Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), ayaa xalay shaaciyay in si dadka looga badbaadiyo halista xanuunka Karoona ay dowladda Soomaaliya go’aamisay in laga bilaabo fiidnimada Arbacada ah, oo ku beegan 15-ka Abriil 2020-ka magaalada Muqdisho lagu soo rogo bandow ka bilaabanaya 8:00 Fiidnimo, kuna eg 05:00 Subaxnimo.

Janaraal Xajaar, waxuu sidoo kale sheegay in bandowgu uu saameynayo isu-socodka dadka iyo gaadiidka, ganacsiga, marka laga reebo dukaamada cunnada qalalan laga iibsado iyo xarumaha caafimaadka sida farmashiyayaasha iyo isbitaallada.

Taliyaha waxa uu sheeygay in qiimeynta joogtada ah ee lagu sameynayo xaaladda faafitaanka cudurka COVID-19, lagu go’aamin doono wax ka bedelka bandawga.

Taliye Xajaar ayaa sidooo kale dadka ka codsaday inay bandowga u hoggaansamaan, si dadka looga badbaadiyo cudurkan khatarta badan.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada amniga la faray inay dadka xanuunsanaya ee xaaladaha deg-degga ah lasoo gudboonaadaan ay u fududeeyaan gaaritaanka goobaha caafimaadka si ay u helaan daryeelka ay u baahanyihiin,

Kiisaska dadka laga helay feyraska Korona ee Soomaaliya ayaa gaareysa dhowr iyo labaatan kiis, iyada oo ay xusid mudantahay in DFS ay qaadday tallaabooyin lagu xakamaynayo fiditaanka xanuunka sida xiritaanka duullimaadyadii caalamiga ahaa, xiritaanka dhammaan goobihii waxbarasho ee dalka iyo talooyin caafimaad oo joogta ah, kuwaas oo ay wasaaradda caafimaadku ku wacyigelineyso dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here