Saddex Kooxood oo ka wada dhisan dalka Talyaaniga oo isku haysta saxiixa xiddig ka tirsan Chelsea

0
269

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa hoggaaminaysa kooxaha doonaya saxiixa xiddiga Chelsea ee Emerson Palmieri.

Difaaca kooxda Chelsea ee Emerson Palmieri ayaa kala doorran doona kooxaha ugu waa weyn dalkiisa Taliyaaniga ee doonaya saxiixiisa, maadaama loo ogolaan doono inuu Stamford Bridge isaga tago.

Xiddigaan ka ciyaara dambeedka bidix ayaa dheelay 18 kulan xilli ciyaareedkan, balse waxa uu la tacaalayay qaab ciyaareed xumo toddobaadyadii dambe, isagoo aanan u ciyaarin kooxda Frank Lampard tan iyo 21-kii Janaayo.

Emerson heshiiska uu kula jiro Chelsea waxa uu idlaan doonaa xagaaga 2022-ka, balse waxaa la soo warinayaa inuu u boqooli doono markale kooxaha ka ciyaara horyaalka Serie A.

Sida laga soo xiganayo Goal.com, Kooxaha Juventus, Inter Milan iyo Napoli ayaa dhammaantood indhaha ku haya xaaladda laacibka qaranka Talyaaniga, waxaana kooxahani ay diyaarinayaan dalabyo kala duwan oo ay xagaaga u bandhigi doonaan The Blues.

Si kastaba ha ahaatee, wararka qaar ayaa sheegaya in 25-sano jirkan uu baaqi ku sii ahaan karo Stamford Bridge, hase ahaatee doonista Chelsea ee difaac bidix ayaa albaabka u fureysa in xiddiga asal ahaan ka soo jeeda ku laabto horyaalka Taliyaaniga.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here