Wataru Endo Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Liverpool.

0
10

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Ciyaaryahanka kooxda Liverpool Wataru Endo ayaa shaaca ka qaaday mawqifkiisa ku aadan suurtogalnimada uu kaga tagi karo kooxda reer England inta lagu guda jiro xilli ciyaareedka soo socda ee suuqa kala iibsiga.

Laacibka reer Japan ayaa horay loola xiriirinayay inuu ka tagayo Liverpool xagaagii lasoo dhaafay.

Kooxda reer France ee Marseille ayaa isku dayday inay ku hesho adeega Wataru Endo xagaagii hore, iyaga oo ka gudbiyay dalab dhan 12 milyan laakiin Liverpool ayaa diiday dalabkaas.

Si kastaba ha ahaatee, Wataru Endo ayaa waqti adag kala kulmay Slot, maadaama uu kaliya ka qeyb galay 4 kulan oo tartamo kala duwan ah, wadar ahaan 85 daqiiqo oo kaliya.

Ciyaaris la’aanta xiddiga ayaa keentay in xiddiga 31 jirk ah dib loola xidhiidhiyo ka tagista Anfield suuqa January.

Wataru Endo ayaa wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa, wuxuuna ku jawaabay”Waxaan heysanaa tababare cusub, waxaana u maleynayaa inuu doonayo inuu arko ciyaaryahan kasta”.

Wuxuu ku daray: “Waa goor hore in wax walba la xukumo, koox sida Liverpool oo kale ah waxay u baahan tahay xiddigo badan iyada oo xiddig kasta doonayo in uu ka qayb galo kulamada”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi:”Wax fikrad ah kama haysto waxa ay dadka kale leeyihiin, laakiin qorshahaygu waxa uu yahay in aan halkan sii joogo, waxa aan samaynayay waxa ay tahay in aan sameeyo, waxaanan isu diyaarinayay dhinaca taam ahaanshiyaha”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here