Xiddig Muhiim U Ah Barcelona Oo Dhaawacmay.

0
9

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Lamine Jamal ayaa dhaawacmay kulankii xulka qaranka Spain guusha ka gaadheen xulka Denmark kulan ka tirsanaa tartanka Nations League.

Xiddiga ayaa ka baxay ciyaarta iyada oo lagu soo waramayo in uu xiddigu ka dhaawacmay muruqa.

Aragtida De La Fuente oo uu dhawaan sheegay ayaa ah in kooxuhu ay yihiin kuwa ay tahay in ciyaartoydooda ay nasiino siiyaan taasna aanay khusayn xulalka.

Tababare De La Fuente ayaa sheegay in xulalku u baahanyihiin xiddigaha hal ama laba kulan marka la gaadho fasaxa xulalka.

Tababaraha reer Spain ayaa sheegay in ka qayb galka Yamal ee kulamada xulka Spain ay tahay mid aan laga hadli karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here