Man City Oo Calaamadsatay Badalka Pep Guardiola.

0
15

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Warar ay baahiyeen saxaafada ayaa shaaca ka qaaday in uu jiro musharax la yaab leh oo badali doona tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola si uu u leyliyo kooxda heysata horyaalka Ingariiska xilli ciyaareedka soo socda, hadii uu tababaraha reer Spain ka tago.

Waxaa la og yahay in tababaraha reer Spain qandaraaskiisa haatan ee Manchester City uu dhacayo xagaaga 2025, oo ah dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wararka ayaa sheegaya, laba maalmood ka hor, in agaasimaha ciyaaraha ee Manchester City Txiki Begiristain uu ka tagi doono Etihad Stadium xagaaga soo socda.

Wargeysyada ayaa soo baxay maanta iyagoo sheegaya in agaasimaha isboortiga ee Sporting Lisbon, Hugo Viana, uu ku bedeli doono Txiki Begiristain booskiisa xilli ciyaareedka soo socda.

Sida laga soo xigtay wargeyska Portuguese-ka ah ee Record, haddii Hugo Viana uu ogolaado inuu bedelo Txiki Begiristain, waxa uu agaasimaha cusub ee Viani u dhaqaaqi doonaa saxiixa tababaraha kooxda Sporting Lisbon ee Ruben Amorim si uu u badalo Guardiola.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here