Messi Oo Magacaabay Xiddiga Ugu Fiican England.

0
7

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Lionel Messi ayaa xaliyay dooddii Steven Gerrard, Frank Lampard iyo Paul Scholes ka dib markii uu shaaca ka qaaday cidda uu u maleynayo inuu yahay ‘ciyaaryahankii ugu fiicnaa abid’ ee Ingariiska.

Messi waa ninka ay taageereyaal badani u haystaan ​​inuu yahay xiddiga ugu fiican kubada cagta.

Taageerayaasha ayaa si joogto ah uga dooda in xiddiga reer Argentine ama xiddiga Cristiano Ronaldo xiddiga ugu fiican adduunka.

Xddiga Messi ayaa haatan fikirkiisa ka dhiibtay xiddiga ugu fiican taariikhda England.

Xilligoodii Gerrard, Lampard iyo Scholes ayaa ka soo muuqan karay shax kasta waxana doodooda la hadla bar-bar dhigaa xiddigaha Messi iyo Ronaldo.

Messi ayaana si dadban fikirkiisa uga dhiibtay xiddiga fiican sanadkii 2016.

“Shaqsi ahaan, waxaan qabaa [Steven] Gerrard inuu yahay ciyaaryahankii abid ugu fiicnaa England”ayuu Messi yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here