Arne Slot Oo Ku Digtay Man United.

0
11

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa dareensan in kooxdiisu ay goor hore u soo baxday hogaanka Premier League aysan ahayn “aragti dhab ah” ee kala saraynta premier League.

Nolosha ka dib Jurgen Klopp ayaan u noqon mid aad u xun iyadoo Reds hogaanka u hayso horyaalka premier League kadib guushoodii Wolves ee premier League.

Guuldaradii gurigooda ay kala kulmeen Nottingham Forest laba toddobaad ka hor ayaa ah guuldarada ilaa haatan soo gaadhay Liverpool xilli ciyaareedkan iyaga oo badiyay 8 kulan oo kale tartamada oo dhan.

Wali waa wakhti hore laakiin caddayntu waxay soo jeedinaysaa inay awood u leeyihiin inay horyaalka kula tartamaan Manchester City iyo Arsenal.

Tababare Slot ayaa xasilooni ku baaqay isaga oo sheegay in kala saraynta horyaalku kala cadaan doonto bartamaha xilli ciyaareedka.

“Qof walba waa in uu xaqiiqada fiiriyo, dhamaan xiddigaha way fahamsanyihiin kaliya in 6 kulan la ciyaaray horyaalka taasina kuma tusayso xaqiiqada hogaanka horyaalka”.

“Waxa dhiman 19 kulan oo kale si aan u ogaano halka aan joogno”.

“Waxa waxa aa u baahanahay in aan isku muujino kooxaha Arsenal Newcastle, Chelsea iyo Aston Villa”.

“Uma malayno in aan wali la ciyaarnay koox ada”ayuu sii raaciyay isaga oo ku digtay Man United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here