Lewandowski Oo Taariikh Ka Sameeyay La Liga.

0
16

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Robert Lewandowski ayaa rekoodh cusub u dhigay horyaalka La Liga isaga oo Barcelona ka caawiyay in ay sii wadato bilawgii ugu fiicnaa ee horyaalka kadib markii ay guul dirqi ah 1-0 ah ka gaadheen kooxda Getafe kulan ka dhacay Estadi Olimpic Lluis Companys.

Barcelona ayaa 1/0 ku badisay iyada oo sii dheeraystay hogaanka horyaalka La Liga.

Xiddiga Lewandowski ayaa ayaa dhaliyay goolka 1-aad daqiiqadii 19-aad ee qaybta hore ee ciyaarta.

Xiddiga reer Poland ayaa gool ka dhaliyay kooxdii 19-aad ee horyaalka La Liga tan ilaa markii uu yimid kooxda.

Xiddiga Lewandowski ayaa kaliya ilaa haatan ku fashilmay in uu gool ka dhaliyo 3 kooxood oo La Liga ah kuwaas oo kala ah Las Palmas, Real Madrid iyo Almería.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here