Pep Guardiola Oo Shaki Galiyay Xiddig Muhiim Ah Kulanka Arsenal?

0
15

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa qirtay inuusan hubin in Kevin De Bruyne uu taam u noqon doono kulanka Axada ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Arsenal.

Ka dib markii uu ku soo bilowday afartii kulan ee ugu horeysay Premier League ee Man City, De Bruyne ayaa mar kale ku bilowday kulankii champions League ee Inter Milan.

Si kastaba ha ahaatee, De Bruyne ayaa lagu bedelay Ilkay Gundogan qeybtii nasashada ka dib markii uu xanuun ka soo gaaray gumaarka qeybtii ugu horeysay ee Etihad Stadium.

Isagoo hadlayay ka dib ciyaartii bar-baraha ay la galeen Inter, Guardiola ayaa wax laga waydiiyay xaalada De Bruyne iyo in uu diyaar u noqon doono kulankooda Axada.

“Ma garanayo,” Guardiola ayaa ku jawaabay.

“Waxaan heli doonaa macluumaad dheeri ah saacadaha soo socda”.

Man City ayaa si aad ah u doonaysa in De Bruyne uu diyaar u noqdo kulanka Axada marka la eego in uu rikoodh fiican ku leeyahay Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here