Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Jorginho Kadib Xiiso Uga Yimid Kooxaha Turkey.

0
43

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Arsenal ayaa shaaca ka qaaday mowqifkeeda ku aadan in ay iska fasaxaan xiddiga reer Italy ee Jorginho xilli ay xiiso ka helayaan mid ka mid ah kooxaha horyaalka Turkiga.

Jorginho ayaa loo arkaa mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda uguna khibrada fiican, waxaana tababare Mikel Arteta uu aad ugu xisaabtamayaa isaga inta lagu jiro xilli ciyaareedkan.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday shabakada British Talk Sport, Arsenal ma soo dhawayn doonto dalab kasta oo lagu helo adeega Jorginho.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in kooxda Turkiga ka dhisan ee Galatasaray ay xiisaynayso saxiixa Jorginho, kooxda Turkiga ayaa rajeynaysa inay hesho saxiixa xiddiga ka hor inta aanu xidhmin suuqa kala iibsiga Turkey 13 bishan lagu jiro.

Arteta waxa uu u arkaa jorginho u arka xiddig muhiim ka ah mashruuciisa Arsenal waxana uu doonayaa in uu ku sii haysyo kooxda.

Jorginho ayaa qandaraaska u kordhiyey Arsenal bishii May ee la soo dhaafay, waxaana qandaraaskiisa haatan uu dhacayaa June 2025, iyadoo ay suurtagal tahay inuu sanad dheeri ah u kordhiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here