Harry Kane Ayaa Doonaya Inuu Ku Daydo Ronaldo Ka Dib Goolkiisii ​​​​900aad Ee Xirfadiisa.

0
30

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Cristiano Ronaldo ayaa dhawaan dhaliyay goolkiisii ​​900-aad, waana taariikh cajiib ah oo uu ku soo qaatay xirfadiisa ciyaareed.

Halyeyga Portugal waxa uu ciyaarayey tan iyo horraantii 2000-meeyadii, isaga oo 39 jir ah, waxa uu sii wadaa dhiirigelinta ciyaartoyda kubbadda cagta adduunka oo uu ku jiro Harry Kane.

Kabtanka xulka qaranka England ahna gooldhaliyaha ugu sareeya ayaa dhawaan sheegay in uu doonayo in uu ku daydo Ronaldo kaas oo sii wata bandhigiisa heerkiisu sarreeyo.

Khamiistii, Ronaldo ayaa dhaliyay goolkii 900-aad ee xirfadiisa kubada cagta isagoo ka caawiyay Portugal in ay 2-1 ciyaar ka tirsaneyd Nations League Ay kaga badiso Croatia.

Waxa uu ahaa goolkiisii ​​131-aad ee caalamiga ah asigoo saftay 213.

Kane waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed joogto ah intii uu ku jiray xirfadiisa ciyaareed laakiin waxa uu ku dhacay waqtiyo waaweyn oo uu la joogay England.

Harry Kane waxa uu doonayaa in uu ku daydo Ronaldo , oo dhawaan 31 jirsaday, waxa uu gaadhay heer aad u muhiim ah waayihiisa ciyaareed, waxana uu isku arka in uu ka soo muuqanayo heerarkii Ronaldo, Karim Benzema, iyo Lionel Messi.

Kane waxa uu ahaa mid cajiib ah xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay ee Bayern Munich ee Bundesliga.

Waxa uu ku dhameystay gooldhaliyaha ugu sareeya isagoo dhaliyay 36 gool, wuxuuna ku qaatay kabta dahabka ee Yurub.

Kahor inta uusan u dhaqaaqin Jarmalka, Superstar-ka England wuxuu kula guuleystay Tottenham Hotspur seddex kabta dahabka ah ee Premier League

Horey ayaa loo sheegay in Harry Kane uu ka mid yahay 30-ka ciyaaryahan ee u sharaxan Ballon d’Orka 2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here