Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Waxaa lasoo saaray liiska musharaxiinta u sharaxan abaal marinta shaqsiga ugu magaca weyn kubada cagta adduunka ka hor xaflada ka dhici doonta magaalada Paris 28-ka October.
Abaalmarinta Ballon d’Or. Jeclow ama necbow, waa abaalmarinta ciyaaryahan kasta oo kubbadda cagta adduunka ku riyoonaya inuu maalin uun ku guuleysto.
Ka dib olole xusuus leh oo 2023-24, waxaa lagu dhawaaqay liiska musharrixiinta u sharraxan kubbadda dahabka ee 2024.
Waxa jira magacyo waaweyn oo u tartamaya sidii ay u heli lahaayeen abaal-marintii uu Lionel Messi qaaday markii siddeedaad ee sannadka 2023-ka, iyada oo aanu wax-qabad heer-kooxeed ahayn, uu ku qaaday balse sidoo kale lagu soo bandhigay tartanno waaweyn oo kala duwan oo dhacay 12-kii bilood ee la soo dhaafay.
Miyuu Vinicius Jr lagu abaal marin doonaa goolashii muhiimka ahaa ee uu Real Madrid ku hogaamiyay koobabka saddexda koob?
Mise saaxiibkiis Jude Bellingham ma heli doonaa aqoonsi ololihiisii ugu horeeyay ee Bernabeu?
Xiddiga Manchester City Rodri, ayaa sidoo kale ku jira tartan ka dib markii uu ku guuleystay
Premier League heer kooxeed ka hor inta uusan u safrin Euro 2024 oo ay ku guuleysteen Spain.
Waa inaan sugno ilaa xaflada Paris ka dhacaysa Isniinta, October 28keeda, si aan u ogaano, laakiin hadda, waa kuwan ciyaartoydii loo soo xulay inay u tartamaan sharafta shaqsiyadeed ee ugu sareysa kubada cagta.
- Jude Bellingham -Real Madrid/England.
- Ruben Dias – Man City /Portugal
- Phil Foden Man City /England
- Federico Valverde – Real Madrid/Uruguay.
- Emiliano Martinez -Aston Villa /Argentina
- Erling Haaland – Man City / Norway
- Nico Williams – Athletic Club /Spain
- Granit Xhaka – Bayer Leverkusen /Switzerland
- Artem Dovbyk – Roma/Ukrain
- Toni Kroos -Real Madrid/Germany
- Vinicius Jr – Real Madrid/Brazil
- Dani Olmo – Barcelona/ Spain
- Florian Wirtz -Bayer Leverkusen/ Germany
- Martin Odegaard – Arsenal /Norway
- Mats Hummels – Borussia Dortmund/ Germany
- Rodri – Man City /Spain
- Harry Kane -Bayern Munich/ England
- Declan Rice -Arsenal/ England
- Vitinha -PSG/Portugal
- Cole Palmer -Chelsea/England
- Dani Carvajal – Real Madrid / Spain
- Lamine Yamal – Barcelona / Spain
- Bukayo Saka – Arsenal / England
- Hakan Calhanoglu – Inter Milan/Turkey
- William Saliba – Arsenal/France
- Kylian Mbappe – Real Madrid / France
- Lautaro Martinez- Inter Milan/Argentina
- Ademola Lookman- Atalanta /Nigeria
- Antonio Rudiger -Real Madrid/Germany
- Alejandro- Grimaldo Bayer Leverkusen/ Spain