Man City Oo Chelsea Ka Caawinaysa In Ay Hesho Saxiix Ay U Waalanayso.

0
38

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi)Atletico Madrid ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta Manchester City oo ku aadan Julian Alvarez ka dib markii ay ‘debciyeen mawqifkooda ku aadan iibinta Samu Omorodion ee Chelsea.

Alvarez ayaa si aad ah u hadal haya rabitaankiisa ah inuu ciyaaro kubad joogta ah xilli ciyaareedka soo socda, ha ahaato City ama meel kale.

Pep Guardiola, ayaa dhanka kale sheegay inuu ku xisaabtami karo weeraryahanka ku wajahan xilli ciyaareedka 2024/25.

Laakiin waxa ay u muuqataa in Alvarez uu ka tagi doono City mustaqbalka dhaw.

David Ornstein oo ka tirsan The Athletic ayaa ku waramaya in Atletico ay ku dhowdahay inay heshiis la gasho City.

Labada kooxood ayaa haatan ka wada hadlaya qiimaha Xiddiga iyo sidii loo bixin lahaa inkasta oo ayna wali si buuxda uga heshiin qiimaha.

Sida laga soo xigtay The Athletic, chelsea ayaa dhinaceeda ku dhaw saxiixa Samu oo u ciyaara Atletico Madrid.

Chelsea ayaa bishii June laga diiday dalab 27 milyan ah oo ay ka gudbisay saxiixa xiddiga laakiin Blues ayaa haatan ku dhaw sabab la xidhiidha in ay Man City Alvarez ka iibinayso Atletico Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here