Chelsea oo soo iibsatay ciyaaryahan Cusub

0
51

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda chelsea ayaa xagaagan ku mashquulsanayd suuqa kala iibsiga ciyaartooyda iyaga oo ilaa haatan keensaday 5 xiddig halka xiddig kale uu wadada kus o jiro.

Ciyaartooyda ilaa iyo hadda ay kooxda soo iibsatay ayaa waxaa ka mdi ah. Tosin Adarabioyo Daafaca dhexe ee Tosin Adarabioyo ayaa Chelsea ugu biiray heshiis afar sano ah kadib markii uu dhamaaday heshiiskii uu kula jiray Fulham.

Chelsea ayaa 19 milyan ginni kula soo wareegtay xiddiga khadka dhexe ee Aston Villa iyo xulka England Omari Kellyman.

Chelsea ayaa bixisay 5 milyan ginni si ay ula soo wareegto weeraryahanka, Marc Guiu. Chelsea ayaa 30 milyan ginni ku soo iibsatay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leicester City Kiernan Dewsbury-Hall, oo 25 jir ah, isagoo u saxiixay heshiis lix sano ah.

Chelsea ayaa sidoo kale 12 milyan ginni kula soo wareegtay ciyaaryahanka Basel Renato Veiga, isagoo qalinka ku duugay heshiis todobo sano ah.

Chelsea ayaa ogolaatay heshiis ay ku iibsanayso xiddiga garabka uga ciyaara Palmeiras Estevao Willian oo ay ka soo gudbisay dalab hore oo ah 29 milyan ginni – marka uu 18 jirsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here