Arsenal Oo Tijaabada Caafimaadka Marinaysa Saxiixeedii 2-aad Ee Suuqa Xagaaga.

0
44

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Arsenal ayaa ogolaatay heshiis ay kula soo saxiixaneyso goolhayaha kooxda Ajax Tommy Setford waxaana lagu soo waramayaa in uu tijaabada caafimaadka u mari doono kooxda.

18-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa Ajax uga haray kaliya hal sano, kooxda Eredivisie ayaana hal milyan kaga iibinaysa kooxda Arsenal xagaagan.

Setford ayaa 33 kulan u saftay kooxda Ajax ee 18 sano jirada waxana uu ku biiri doonaa kooxda da’yarka Arsenal.

Setford ayaa la filayaa in uu noqdo saxiixii 2-aad ee ay Arsenal samayso suuqa kala iibsiga xagaagan.

Goolhaye Raya ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay kadib markii ay si toos ah ugula wareegeen Goolhayaha oo amaah ku qaatay kooxda xilli ciyaareedkii hore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here