Man United Oo Dalab Cusub Ka Gudbisay Jarrad Branthwaite.

0
90

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Man United ayaa dalab cusub ka gudbisay saxiixa daafaca Everton ee Jarrad Branthwaite.

Reds Devils ayaa haatan miiska u saartay Everton lacag dhan 45 milyan oo euro iyo 5 milyan oo Guno ah.

Everton ayaa diiday dalabkii furitaanka Man United ee Branthwaite, kaasoo lagu sheegay inuu ahaa 35 milyan euro.

Inkasta oo heshiiska kor loo dalacay Everton ayaa weli ku qiimeeya daafaceeda dhexe ku dhawaad ​​70 milyan Wali kama aysan jawaabin dalabkan u dambeeyay.

Daafaca reer England ayaa lagu soo waramayaa in uu mar hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Man United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here