Xulka France Oo Rikoodhayaal Ku Garaacay Xulka Portugal

0
56

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xulalka France iyo Portugal ayaa ku kulmay kulan caajis ah oo ka tirsanaa wareega 8 dhamaadka Euro 2024.

Labada xul ayaa soo bandhigay ciyaar aad u liidata iyada oo ay ku dhibaatoodeen in ay soo bandhigaan qaab ciyaareed fiican.

Xulka Portugal ayaa maamulayay ciyaarta iyada oo xulka France ciyaarayay weeraro rogaal celis ah.

Xulka France ayaa markiisa helay fursado fiican laakiin kama faa’iidaysan fursadihihii ay heleen.

Waxa ay labada xul ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah 90-kii daqiiqo ee ciyaarta.

Waxa ay labada xul isla aadeen wakhtigii dheeriga ahaa iyaga oo wada ciyaaray 30 daqiiqo oo dheeri ah.

Laakiin labada xul ayaan waxba kala dhalin iyada oo xul walba doonayay in rikoodhayaal la isla gaadho.

Labada xul ayaa isla gaadhay rikoodhayaal waxana ay 4/5 guushu ku raacday xulka France kuwaas oo iska xaadiriyay wareega Semi-final-ka Euro 2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here