Gudoomiyihii Hore Baaralamnka Soomaaliya Oo Muqdisho ku Geeriyooday.

0
50

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Madaxda Soomaaliyeed Ayaa si yaaba kala duwan u tacsiyèysey Madaxda Tacsida dirtey waxaa ka mid ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo ku geeriyooday maanta magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee Marxuumku uu ka soo qaatay horumarinta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska qarankeena.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehel iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo muddo dheer u soo shaqeynayey qarankeenna, dhaxal wanaagsanna uga tagay, isagoo door muuqda ka soo qaatay dib u soo celinta dowdowladnima Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha KG Abdicasis Hassan Mohamed (Lafta-gareen) ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu janadii Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu ina ka siiyo dhammaanteen.

Prof. Jawaari oo dhashay sanadkii 1945tii ayaa xilal dhowr ah kasoo qabtay Soomaaliya, isagoo sanadkii 2012 loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya, mar kalena sanadkii 2017.

Sidoo kale dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayuu kasoo qabtay xilal kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here