Hey’adda SoDMA oo ka digtay roobab daadad wata oo ka di’idoona dalka.

0
46

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa maanta soo saartay 𝗱𝗶𝗴𝗻𝗶𝗶𝗻𝗼 𝗹𝗮 𝘅𝗮𝗿𝗶𝗶𝗿𝗮 𝗿𝗼𝗼𝗯𝗸𝗮 𝗴𝘂’𝗴𝗮 kaas oo la filayo maalmaha soo socda in dalka ka curto, Hay’adda ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay taxadaraan oo ay feejignadaan, si gaar ah shacabka ku nool goboladii dhawaan fatahaadaha ay ka dhufteen, iyo goobaha biya mareenada ah.

Roobabka xilligan Gu’ga ee sanadkaan 2024 (sida la isku raacay) waxay dalkleena intiisa badan ka curanayaan inta u dhaxaysa asbuuca koowaad ee bisha April, wuxuuna xoogiisu billaabanayaa asbuuca sadexaad illaa kan afaraad ee isla bisha April, roobabkaas waxay sidoo kale sii socon doonaan inta lugu guda jiro bisha May ee sanadkan, waxay roobabkaasi intooda badan ay ka di’i doonaan qeybo badan oo dalka gaar ahaan gobolladiisa koonfureed iyo kuwa woqooyi.

Warkung Waliba nig haaye Abdyqaadir Mohamed Nor War’ady

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here