Xulka Qaranka Brazil Oo Garaacay Xulka England.

0
70

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xulka qaranka Brazil ayaa garaacay xulka England kulan ka tirsanaa kulamada saaxiibtinimooyinka ee labada xul.

Kulanka ayaa ku dhamaaday mid uu xulka Brazil ku badiyay 1/0 kulan ka dhacay garoonka Wembley.

Kulanka ayaa ahaa mid ah labada xul si taxadar leh u ciyaarayay laakiin xulka Brazil ayaa ahaa xulka Fiican.

Xulka Brazil ayaa helay fursado badan oo muhiim ah iyada oo xiddigaha Vini Jr Iyo Rodrygo kuwaas oo hogaaminayay weerarka Brazil.

Goolka 1-aad ee ciyaarta ayaa yimid qaybtii dambe kadib markii uu dhaliyay xiddiga Endrick kaas oo xulkiisa u dhiibay hogaanka ciyaarta.

Kadib guushaas xulka qaranka Brazil ayaa gaadhay guul qalbi dhis ah ka hor bilaabashada tartanka Copa America bilo kadib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here