Taliska Booliiska Baydhabo oo digniin u diray Dadka ka Gancsada Contooyinka Maalmaha Ramdaanka.

0
45

Baydhabo (Raathiyow Arlaathy) Ciidanka Booliska Magaalada Baydhabo ayaa dadaal uga jira sidii ay ula dagaalami lahaayeen dadka iyadoo Bisha Ramadaan lagu gudo jiro ka iibiyaan Cunooyin bisil dadka aan soomneyn taas oo aan Shareecada Islaamka Mamnuuc ka ah, Ciidanka ayaa xooga saaraya sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen dadkaas.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay Gaanshaanle sare Aamiin Mahamed Cusmaan Mad daruur ayaa Ciidamada farey in ay soo xireen dadka Bisha Ramadaan xili Maalin ah Maqaaxi furaan Cunooyin bisil ku iibiyaan Taliyaha ayaa sheegey in dadkaas hadii ay soo qabtaan Ciidanka ay Sharciga hor geyn doonaan.

Warkung Waliba nig haaye Abdyqaadir Mohamed Nor War’ady

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here