Baydhabo(Radio Arlaadi)- Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Abdiasis Xasan Maxamed Lafta gareen oo ku sugan Degmada Diinsoor ee Gobalka Baay ayaa waxaa uu dhagax dhigay Saldhiga booliska ee degmadaasi iyo goobo Waxbarasho sida Xaruunta Dugsiga Sare oo ay yeelan doonta degmadaasi.
Markii la dhagax dhigay goobahaasi kadib ayaa Madaxweynaha Warbaahinta u sheegay in ay wadaan Mashaariic badan oo lagu hormarineyo guud ahaan adeegyada degmooyinka iyo deegaanada Koonfur Galbeed.
Warkan Waxaa noo heya Abdirahman Yusuf Hassan