Arsenal oo dalab 52 milyan oo gini ah ka gudbinaysa xiddig ka tirsan Kooxda RB Leipzig

0
409

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay dalab 52 milyan oo gini ah ka gudbinaysa daafaca RB Leipzig ee Dayot Upamecano.

Kooxda Mikel Arteta ayaa si xoogan loola xiriirinayay xiddiga reer France isbuucyadii la soo dhaafay, 21-sano jirkaan ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu xiiso ka helayey kooxaha Chelsea, Tottenham Hotspur iyo Bayern Munich.

Sida laga soo xigtay Majaladda Kicker ee ka soo baxda dalka Jarmalka, Leipzig waxaa ka go’an inaysan u ogolaan doonin xulka 21-sano jirrada ka yar ee reer France in ka yar 52.3 milyan oo gini, iyadoo Upamecano qandaraaskiisa kooxda Julen Nagelsmann uu dhacayo xagaaga soo socda.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in daafaca uu kaliya diirradda saarayo ololihiisa kooxda Jarmalka, isla markaana uusan go’aan ka gaari doonin mustaqbalkiisa ilaa xagaaga.

Upamecano ayaa u saftay Leipzig 20 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan, iyadoo kooxdiisu ay kaalinta labaad uga jirto horyaalka Bundesliga, iyadoo saddex dhibcood ka dambeysa kooxda hoggaanka haysa ee Bayern Munich.

Naadiga Arsenal ayaa aad u dooneysa daafac adag oo xal u noqon kara waaxda daafac ee kooxda reer London, waxayna u arkan in xalkaas uu heli karo xiddigan lagu magacaabo Dayot Upamecano.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here