Baydhabo(Radio Arlaadi)-Shirka arimaha deegaanka ee dowlad goboleedyada iyo dowlada faderaalka ee manta baydhabo kafurmay ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiirada deegaanka dowlad goboleedyada iyo dowlada dhexe, waxaana maamlaha uu socdo shirka loogo hadli doonaa joogtaynta yaraynta jarida dhirta,dhuxusha iyo abuurida nolol kale.
Wasiirka xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa Soomaaliya Xuseen Maxamed Xuseen oo garwadeen ka ahaa shirka ayaa kahadlay siyaasada wasaarada xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ugu degsan jarida dhirta isagoona sheegay in wasaaradu ay uga talagashay hal malyan oo geed si loo yareeyo nabaad guurka deegaanka.
Madaxweynaha koonfur galbeed oo furay shirka ayaa sheegay in ay mamnuuc tahay in lajaro dhirta isagoona balanqaaday in deeganada koonfur galbeed aan laga dhoofin doonin dhuxul.
Halkan Hoose ka Dhageyso Codka Madaxweynaha KGS:-