Deeq Raashiin ah Oo la gaarsiiyay Qoysas danyar ah ku nool Degmada Afgooye.

0
42

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Qaar kamid ah Qoysaskii ay saameysey Fatahaadahii ku dhufteen degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa loo qeybiyay deeg raashiin ah oo ay iskugu jiraan Bariis, Saliid iyo Timir kuwaasi oo ay soo gaarsiyeen dad muxsiniin ah oo ku nool dalka dibaddiisa si gaarna uga soo jeedaan gobolkaasi.

Ku dhawaad lixdan qoys oo laga soo xulay xaafadaha degmada Afgooye ayaa ka faa’ideyteen deeqdaan raashiinka ah iyagoona ay yihiin dadkii mudnaa ee sida aadka ah ay u sameyeen fatahaadaha iyadoona qeybinta raashiinkaani loo soo wakiishay Ustaad Abuu Bakar Cabdukaadir Cabdulaahi.

Warkung waliba nig haaye Siid Ali Muuse Ateera 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here