Man City Oo Heshay Mishiinkii Ay Guulaha Ka Sugayeen

0
59

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda kubadda cagta Mancheste rCity ayaa dib u heshay mishiinkeeda khadka dhexe ee Kevin De Bruyne oo kusoo laabtay tababarka iyadoo ay kooxdiisu ku sugan tahay magaalada Jeddah ee waddanka Sucuudiga, halkaas oo ay Man City kaga qayb-gelayso tartanka naadyada adduunka ee Club World Cup.

De Bruyne oo muddo afar bilood ah garoomada uga maqnaa dhaawac muruqa ah oo sababay in lagu sameeyo qalliin, ayaa waxa uu kasoo muuqday tababarka Isniintii maanta ay ciyaartoyda Manchester City ku sameeyeen garoonka King Abdullah Sports City.

32 jirkan oo uu dhaawacu kasoo gaadhay ciyaartii Burnley ee bilowgii horyaalka, ayaa soo laabashadiisu ay imanaysaa iyadoo ay wali maqan yihiin Jeremy Doku iyo Erling Haaland, waxayse u badan tahay in saddexdooduba ay ka maqnaanayaan ciyaarta Urawa Red Diaonds ee Salaasada, maadaama De Bruyne aanu tababar badan samaynin.

Ciyaarta finalka ama kaalinta saddexaad/afraad ee Jimcaha ayaa la filayaa in Kevin De Bruyne ay u noqon doonto ciyaartiisa koowaad ee uu u safto Man City.

Tababare Pep Guardiola ayaa hore usii sheegay in De Bruyne uu kusoo laabanayo kooxdiisa kulamada Club World Cup.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here