Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Man United Ka Hadhay Tartanka Champions League.

0
90

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Man United ayaa laga reebay tartanka champions League kadib guuldaradii ka soo gaadhay kooxda Bayern Munich.

Gool uu dhaliyay Kingsley Coman kaas oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul ay ka gaadheen kooxda Man United.

Kadib ciyaarta waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka kulanka:

1.Manchester United ayaa laga dhaliyay 15 gool tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan, waana goolashii abid ugu badnaa ee koox Premier Leaque ah laga dhaliyo heerka Group-yada xilli ciyaareed kaliya.

2.Manchester United ayaa ku dhameysatay kaalinta ugu hooseysa group-ka UEFA Champions League markii labaad, iyadoo hore u sameysay 2005-06.

3.Manchester United ayaa laga saaray wareega group-yada ee Champions League 3 ka mid ah 7dii xilli ciyaareed ee ay tartanka ku jirtay tan iyo markii uu Alex Ferguson ka fariistay ciyaaraha, waana in ka badan 18 xilli ciyaareed intii uu Ferguson hogaaminayay.

4.Man Utd ayaa laga badiyay 12 ka mid ah 24-kii kulan ee ay ciyaartay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, inta badan waa laga badiyay 62 kulan oo dhan xilli ciyaareedkii 2022-23.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here