Finland oo go’aan ka gaareysa muhaajiriinta

0
52

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Dowladda Finland ayaa sheegtay inaysan suurtogal ahayn inay celiso magangalyo doonka aanan u qalmin in dalkaas magangalyo laga siiyo, waxayna sheegtay inay xannibaad dheeri ah saari doonto meelaha ay muhaajiriintu kasoo galaan ee Ruushka kaddib marka ay kordheen tirada dadka dalkaas galaya.

In ka badan 500 oo magangalyo doon ah, badankoodna kasoo jeeda Soomaaliya, Yemen, Suuriya iyo Ciraaq ayaa labadii toddobaad ee lasoo dhaafay tegay Finland – oo ka tirsan Midowga Yurub – iyagoo sii maraya Ruushka.

Arrintan ayaa xukuumadda Helsinki ku kalliftay inay xirato xudduudaheeda iyaodo ku eedeysay Moscow inay muhaajiriinta u oggolaaneyso xadkeed. Moscow ayaa beenisay eedeyntaas.

“Musaafurinta muhaajiriinta aanan u qalmin magangalyo ayaa suurtogal noqon weyday, marka gelidda xadka waxay micnaheedu tahay inaad dalkaas joogi karto haddii aad dooneyso,”ayuu yiri Madaxweynaha Finland Sauli Niinisto mar uu booqasho ku joogay Poland.

Niinisto ayaa ku baaqay xal guud oo Midowga Yurub u dhan yahay si loo joojiyo soo gelidda aan la xakameyn karin ee dalalka Schengen.

“Suurtogal uma aha dal walba inuu keligii isku dayo wax ka qabashada xaaladdan oo durba u gudbi karta dal deris ah,” ayuu yiri Niinisto.

Muhaajiriinta Finland ee kasoo galaya Ruushka ayaa keliya haatan magangalyo ka codsan kara labada bar koontarool ee harsan ee laga gudbo kuwaasoo ku yaalla xadka ay dalalkan wadaagaan ee cabbirkiisu yahay 1,340-km (830-meyl).

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here