Hordhac: Arsenal Vs Burnley.

0
147

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Arsenal ayaa marti galinaysa kooxda Burnley kulan ka dhacay Emirates kana tirsan horyaalka premier League.

Gunners ayaa doonaysa in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib guuldaradii ka soo gaadhay Newcastle United.

Dhinaca kale Burnley ayaa doonaysa in ay ka badiso Arsenal si ay uga baxdo guuldarooyinka xidhiidhka ah.

Kulanka: Arsenal Vs Burnley

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00

Garoonka: Emirates

XAQIIQOOYINKA Kulanka:

Burnley ayaa 1-0 ku garaacday Arsenal kulan ka dhacay Emirates bishii December 2020 laakiin taasi waa guushooda kaliya ee 18-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan (4 bar-baro iyo 13 guul daro).

Si kastaba ha ahaatee, Burnley ayaa ku tartamaysa inay mar saddexaad oo xiriir ah shabaqeeda gool ka dhaliso Emirates.

Gunners ayaa dhibco lumisay afar ka mid ah shantii kulan ee horyaalka ee ay la ciyaartay Clarets intii uu hogaaminayay Mikel Arteta.

Gunners ayaan laga badinin 37 kulan oo horyaalka ah oo ay garoonkeeda kula ciyaartay kooxaha dhawaan soo dalacday tan iyo markii ay guuldaro 1-0 ah kala kulmeen Newcastle 7dii November 2010 (W32, D5).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here