Hordhac:- Newcastle Vs Arsenal

0
104

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Arsenal ayaa marti u noqon doonta kooxda Newcastle kulan adag oo horyaalka premier League Ah.

Arsenal ayaa doonaysa in ay sii wadato guuldaro la’aanteeda horyaalka premier League marka ay la ciyaarayso Newcastle.

Dhinaca kale Newcastle oo niya ku so dhisatay guushii ay ka gaadhay Man United bartamihii todobaadka ayaa doonaysa in ay garaacdo Arsenal.

Kulanka: Newcastle Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 8:30

Garoonka: St. James’ Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaa badisay 19 ka mid ah 22-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Newcastle tartamada oo dhan, oo ay ku jirto guushii 2-0 ee horyaalka ee St James Park bishii May ee sanadkan.

Newcastle ayaa ku guuldareysatay inay gool dhaliso sideed ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka, marka laga reebo 2-0 ay kaga badiyeen garoonkooda May 2022.

Arsenal ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay 30 ka kulan ee Premier League ee ay wajahday Newcastle, waana kooxda ugu badan ee koox kale ka ilaashato taariikhda tartankan.

Arsenal ayaan laga badinin ka dib 10 kulan oo Premier League ah markii ugu horeysay tan iyo 2007-08, iyagoo diiwaan gashan todobo guul iyo seddex barbaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here