Lampard oo ka hadlay dhaawacii xalay N’Golo Kanté ku soo gaaray kulankii Man Utd

0
285

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Frank Lampard ayaa ka hadlay dhaawaca N’Golo Kanté ka soo gaaray inta lagu gudi jiray kulankii xalay ay Man United kula ciyaareen garoonka Stamford Bridge.

N’Golo Kanté ayaa xalay laga saaray ciyaarta daqiiqadii 12-aad ee bilawga ciyaartii ay guuldarrada 0-2 aheyd ay kala kula kulmeen kooxda Manchester United, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Macalinka kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa qirtay inuusan rajo weyn ka qabin in 28 jirkan uu si dhaqsi ah ugu soo laabanayo garoomada, sababa la xiriira dhaawaca soo gaaray oo lagu tiriyo inuu yahay mid ka mid ah kuwa ugu halista badan.

Si kastaba ha noqotee, wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu daabacay wareysi uu tababare Frank Lampard kaga hadlay dhaawaca N’Golo Kanté wuxuuna yiri:

“Waa dhaawac dilaa ah, oo ay tahay inaan qiimeyn ku sameyno, balse ma muuqato wax rajo ah”.

“Kaddib wixii dhacay xalay uma maleyn doono in Kanté uu ciyaari doono kulanka Tottenham Hotspur”.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here