Romeo Lavia Oo Wajahaya In Uu Muddo Kale Garoomada Ka Maqnaado

0
88

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xiddiga kooxda chelsea ee Romeo Lavia ayaa lagu soo waramayaa in uu wajahayo dhibaato kale oo dhaawac xilli uuna wali wax kulan ah u ciyaarin kooxdiisa cusub.

Xiddiga 58 milyan ugu fadhiya chelsea ayaa kaga soo biiray kooxda Southampton suuqii xagaaga ee la soo dhaafay.

Chelsea ayaa saxiixa xiddiga ku garaacday Liverpool si ay u keenaan Stamford Bridge.

Laakiin Xiddiga reer Belguim ayaan wali xitaa hal daqiiqo u ciyaarin kooxdiisa cusub.

Romeo Lavia Ayaa ku dhaawacmay tababarka isaga oo aan xitaa wax kubad ah u taabam kooxda.

Xiddiga ayaa la filayay in uu haatan ka soo kabsado dhaawac uu kaga maqnaa tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan.

Laakiin wararka ayaa sheegaya in uu xiddigu mar kale dhaawac soo gaadhay kaas oo u diidi doona in uu ku soo laabto garoomada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here